Akhriso:-Sababta Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya u tegay Kismaayo+Sawirro

Duhurnimadii Arbacada Maanta waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose  gaaray wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya,xiligii Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Safarka Cali Maxamed Geedi oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa Warar aan helnay waxa ay sheegayaan in uu wado sidii wadahadal uu u dhexmari lahaa Maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cali Maxamed Geedi ayaa xilligaan ka mid ah Siyaasiyiinta la dhacsan Siyaasada ay hadda dalka ku maamusho dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana saacadaha soo socda uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Jubbaland si uu ugu qanciyo wadahadalada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor