Akhriso:- Sababaha keenay aasaaska Madasha Badbaadada Qaran

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Gole loo bixiyay “Madasha Badbaadada Qaran ee Soomaaliyeed” waxaana ku midaysan Qaar ka mid ah maamul Goboleedyada, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha oo goordhaweyd lagu dhawaaqay ayaa waxaa ay soo saareen war-murtiyeed dhinacyo badan taabanaya oo oo ay kaga hadlayaan sababaha keenay in lagu dhawaaqo Madashaan iyo waxyaabaha hiigsigoodu yahay, waxaa sidoo kale lagu faah faahiyay u jeedka loo aas-aasay Madasha.

War-murtiyeedka ay soo saareen waxaa ay eedeymo culus ugu jeediyeen Madaxweyne farmaajo, waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday uu caqabad ku yahay in dalka doorasho ay ka dhacdo iyo in uu is hor istaag ku sameeyay kulamada ay inta badan yeeshaan Madaxda Mucaaradka ah.

Waxaa sidoo kale ay ku sheegeen war-murtiyeedka in  Madaxweyne Framaajo uu Ciidanka Qaranka u adeegsaday dano gaar ah iyo in uu amray weeraro lagu qaaday qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.

Golaha Badbaado Qaran ee lagaga dhawaaqay maanta  Muqdisho ayaa waxaa ku midaysan, Jubbaland, Puntland, Midowga Musharaxiinta Mucaaradka iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland.

Sidoo kale Madashu waxaa ay Guddoomiye u doorteen Cabdi Xaashi Cabdullaahi  Guddoomiyaha  Baarlamaanka Aqalka Sare ee  Soomaaliya.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka oo dhinacyo badan taabanaya

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor