Akhriso: Qodobada Midowga Musharixiinta ay hor dhigeen Xukuumadda Rooble

Iyadoo shirkii u dhexeeyay Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisul Wasaare maxamed Xuseen Rooble uu xalay fashil ku dhammaaday ayay Midowga musharixiinta waxaa ay shaaciyeen qodabada ay hor dhigeen Rooble ee la isku fahmi waayay.

C/raxmaan C/Shakuur oo qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook-ga ayaa sheegay in afar qodob oo ay hor dhigeen Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ay isku fahmi waayeen, taasi oo keentay in shirku  Natiijo la’aan kusoo dhammaado.

Qoddobada la hordhigay RW Rooble ayaa kala ahaa:

1- In madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo.

2- Si loogu kalsoonaado amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka ee qaybta ka ahaa weerarkii 19 Febraayo, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

3- In la furo masaaxada siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.

4-In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor