Akhriso:-Ololaha CAFIS oo Guddoomiye Cusub doortay

Shir ay isugu yimaadeen Aas-aasayaasha Ololaha CAFIS ayaa waxa ay xilkii kaga qaadeen Cabdi Xasan Xaashi ay xilkaasi u doorteen Aas-aasayaasha Ololaha sanadkii 2017, sida ay ku sheegeen Bayaan ka soo baxay xafiiska Ololaha CAFIS ee Magaalada Muqdisho.

“Cabdi Xasan Xaashi (Wali Xaashi) oo guddoomiye u ahaa aasaasayaasha Ololaha Cafiska Soomaaliyeed ayaa xilka guddoonka laga qaaday waxaana Guddoomiye loo magacaabay si kumeelgaar ah Cabdullaahi Cali Cabdi illaa iyo inta ay shir isugu imaanayaan dhammaan aasaasayaasha iyo hawlwadeennada xubnaha ka ah Ololaha Cafiska Soomaaliyeed billowga sannadka 2021.” Aas-aasayaasha Ololaha CAFIS ayaa bayaankooda ku sheegay oo lagu faafiyay bartooda Facebook-ga.

Xil ka qaadista ayaa timid kadib  maalmahaanba uga socday magaalada Muqdisho Aas-aasayaasha Ololaha CAFIS oo maanta lagu soo gebagebeeyay bayaankan.

Ololaha CAFIS ayaa sidoo kale u idmaday guddoomiyaha cusub Cabdullaahi Cali Cabdi in howshii Ololaha uu halkaas ka sii wado, iyagoo ugu baaqay hay’adihii shaqo wadaagta la ahaa Ololaha CAFIS inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo doortay Ololaha CAFIS si howshii ay u hayeen ummadda Soomaaliyeed ay halkaas uga sii socoto.

Ololaha CAFIS oo ah hay’ad Qaanuuni ah oo ka diiwaan gashay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa xubnaheeda loogu baaqay inay ka fogaadaan waxkasta oo dhaawici kara sumcadda Ololahan ku dhisan mutadawacnimo barax-tiran, sida mashaariicda ay bixiyaan Hay’adaha dalka ama dibadda ka dhisan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media