Akhriso:-Nuxurka War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmahii u danbeeyey u socday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamal goballeedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir .

Shirkaan waxaa laga soo saaray 18 qodob oo khuseeya hunaanta iyo jadwaleynta xilliga ay soo dhamaanayso doorashada.

Waxaana la isku raacay in ugu danbayn doorashada la soo gebagebeeyo inta u dhaxaysa bisha January 15-keeda illaa 25 February.

Haddaba 18 ka qodob ee kasoo baxay Shirka ayaa waxaa ugu muhiimsan:

-Kahor inta aan la qaban dooraashada kursi kasta ee Golaha hacabka waa in la caddeeyo, la diiwaan geliyo, lana shaaciyo magacyada xubnaha guddiga soo xulista ergada ee ka kooban, duubabka iyo caaqillada rasmiga iyo bulshada rayidka ee beelaha ama jufooyinka kursiga wadaaga.

-Soo xulista ergada waxaa si buuxda ugu madaxbannaan duubabka, caaqillada iyo bulshada rayidka ah ee beesha iyo jufada leh kursiga lagumana faragelin karo.

-Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer dowladaha Xubnaha ka ah DFS, waxay u madaxbannaan yihiin hirgelinta doorashooyinka si waafaqsan heshiisyadii la gaadhay.

-Ergada dooranaysa xubnaha golaha shacabka waxaa laga dhaafay wixii khidmad ah, hadday tahay warqadda dambi la’aanta iyo wixii kale.

-Ciidammadu waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaakooda ilaalinta amniga dalka iyo dadka uma hogaansamaan dhammaan shuruucda iyo xeerarka dalka.

-AMISOM waa in ay xoojisaa amniga madaxtooyada

-Doorashada Golaha Shacabka ee hadda socota waxaa lagu soo gebagebaynayaa inta u dhaxaysa 15-ka janaayo illaa 25 febraayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor