Akhriso:-Nuxurka Khudbadii Shirka Dhuusamareeb ee RW Kheyre

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Khubad ka jeediyay soo xitaanka Shirka Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada uga socday Magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shacabka iyo maamulka Galmudug uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo marti-gelinta Shirkii maalmihii lasoo dhaafay u socday Madaxda iyo kuwa Maamulada dalka.

Kheyre ayaa waxaa uu sheegay in dhammaan madaxdii Dhuusamareeb isugu tegtay ee ugu horreeyay Madaxweyne Farmaajo ay ku heshiiyeen ina laga wadashaqeyo sidii dalka lagu gaarsiin lahaa ay meesha ummadda Soomaaliyeed ay rabto.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu tilmaamay in Madaxda ay ku heshiisay in is dhageysto waliba marka la kala aragti duwan yahay xiligaan oo kale, si la isugu keenno aragti mideysan.

”Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego in dhammaan madaxdii halkaan isugu timid oo hormuudka ka yahay Farmaajo inaan ku heshiinnay inaan ka wada shaqeyno sidii dalka aan ku gaarsiin laheyn meesha ummadda Soomaaliyeed ay rabto, waxaa kaloon ku heshiinnay inaan is dhageysanno waliba marka aan kala aragtida duwannahay, si aan isugu keenno aragti mideysan” ayuu yiri Kheyre.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Lix bilood ka hor aysan cid ku fikireysay in Galmudug ay marti gelin karto shirkii ay yeesheen Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka, wuxuuna xusay in tallaabadaas ay tahay horumar la gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media