Akhriso:-Nuxurka khudbadii MW Deni ee uga hadlay Dagaaladii ka dhacay Boosaaso

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay markii ugu horeeyay ka hadlay dagaal socday saddex maalin oo Ciidanka Maamulka Puntland iyo kuwa PSF ku dhexmaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweyne Deni oo la hadlaayay shacabka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, wuxuu faray dhammaan Ciidamada Puntland in aysan mardanbe  dhicin xabad.

Wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay shacabka deegaanada Puntland in ay isdejiyaan Maamulka oo u tureysana ay fursadsiinayso nabadd in wax lagu dhammeeyo. Dadkii ay saameeyeen shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, ayuu Madaxweynuhu la wadaagay dareenkooda iyo in uu ka xunyahay in Agaasimihii hore ee PSF uu xaafadaha magaalada ku duqeeyo Hoobiyeyaal, arrintaasi oo mustaqbalka u baahan baaritaan sax ah.

“Waxaan ugu baaqayaa Agaasimihii hore ee PSF Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano in aanu mustaqbalka danbe iska xumayn, qofkasta sharcigaa ka weyn, aabbihii iyo walaalkii dalkay u soo shaqeeyeen” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynuhu faray Wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee ka howlgalay gurmadka iyo garab istaagga dadka barakacay in ay dhakhso loo gaarsiiyo gurmadka loona fududeeyo Sidii dadku ugu laaban lahaayeen guryahoodii iyo noloshoodii caadiga aheyd.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu danbeyn Bulshada la wadaagay in Puntlaand  ay u taagantahay kala danbeynta, sareynta Sharciga iyo awooda Dastuuriga ah ee lagu heshiiyay, Sidaasi oo ay tahayna ay Puntland diyaar u tahay Soona dhoweysay  dadaalka nabadeed ee Isimada iyo Waxgaradka Puntland ay billaabeen, Iyadoo siinayso nabadeyntaasi fursad fiican .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor