Akhriso: “Natiijada hor dhaca ah ee Cod bixintii ka dhacday Puntland”

Waxaa soo gabagaboobay tirinta Codadkii ay shalay dhiibteen shacabka degmooyin ka tirsan maamulka Puntland,iyadoona sidoo akle la shaaciyay najijooyinka hor dhaca ah ee codbixintii shalay dhacday.

Shalay degaaanada Puntland waxaa doorasho looga dareeray seddex degmo oo ka mid ah maamulkaasi,kuwaasi oo la arkyay dad weynaha oo safaf dhaadheer ku jira, si ay u ciodeeyaan, ayna codkooda siiyaan xisbiyada ka jira maamulkaasi.

Codbixinta ka dib waxaa billaabatay tirinta cododka oo ilaa iyo xalay ay wadeen Guddiga doorashada Puntland, waxaana sidoo kale ay shaaciyeen natiijyo hor dhac ah oo ku aaddan hal degmo.

Guddoomiyaha Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax ayaa sheegay in ay soo gabagabowday tirintii codadka 53 goobood oo ku yaalla 3da degmo, waxaana sidoo kale uu intaas kun daray Natiijada ay shaacin doonaan isla manta.

“Waxaa soo gabagaboobay tirintii codadka 53 goobood oo ku yaalla 3da degmo, waxaa wali socda tirinta 1 goob oo Qardho ku taalla. Waxaan isla maanta ALLE idankiis shaacinaynaa codadka Urur walba helay iyo liiska xubnaha golaha deegaanka ee 3da degmo.Goob walba waxaa tirinta qayb ka ahaa shaqaalaha doorashada ee goobtaas, wakiilada ururada, korjoogto maxalli ah iyo saxaaafadda oo inta badan goobaha kormeer ku marayay” ayuu yiri Guuleed Saalax.

Dedmada Ufeyn ayaa la tiriyay cododka waxana hor kacaya Xisbiga talada haya, iyadoo ay jiraan Urur-siyaasadeedyo kale oo ka daba dhaw, marka loo eego tirada cododka ay heleen, balse wali lama shaacin cododka labada degmo ee kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor