Akhriso:-Musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo Guddoon Cusub doortay

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee maalintii afaraad oo xiriir ah shirweyne xasaasi ah uga socda Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho ayaa doortay Guddoon Cusub.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Madasha xisbiyada Qaranka Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa loo doortay Guddoomiyaha Cusub ee Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Xoghaye u doortay inuu nqodo Xuseen Cabdi Xalane, halka Afhayeenka Musharaxiinta laga dhigay Ridwaan Xirsi oo mar soo noday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen.

Shirkaan u socda Musharaxiinta ayaa waxaa uu yahay mid xasaasi ah oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo marxalada kala guurka ee xiligaan dalku ku jiro.

Shirka Musharaxiinta oo ayaa lasoo gaba-geyn doonaa Maanta oo tallaado ah, waxaana laga soo saari doonaa War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo lagu faah faahin doono sida ay Musharaxiinta u wajahaan Doorashada dalka iyo arrimo kale, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay sameeysan doonaan Golle mid ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media