Akhriso:-Maxay ka wada hadleen Muuse Biixi iyo Mustafe Cagjar?

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku yimid Magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali-koore, oo ka hadlay kulanka labada madaxweyne  ayaa soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalidu, waxana uu sheegay in wada-hadallada liishaanka lagu saaray dhinacyada amniga iyo ganacsiga, maadaama  Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida ay ka dhaxayso dano badan oo derisnimo iyo walaalnimo salka ku hayaa, waxana hadalladiisii kamid ahaa,“Waxannu si buuxda uga wada-hadallay dhinacyada ganacsiga nabadgelyada iyo xaaladaha ka jira geeska Afrika hadba sida ay noqon doonaan oo aynu si dhaw u wada eegi doonno, Sharaf bayna noo tahay inaanu si ehelnimo iyo walaaltinimo leh uga wada-hadalnay arrimahayaga gaarka ah, taasina waxay kusoo dhammaatay guul iyo is Af-garasho, si wacanna waanu  isula Afgaranay qodobbadii aannu ka wada-hadalnay.”

Wasiirka Hawlaha guud ee Dawlad-deegaanka Soomaalida, Cabdiraxmaan Iid Daahir oo isaguna dhinaciisa halkaas ka hadlay, ayaa gaar ahaan madaxweynaha Somaliland, xukuumaddiisa iyo shacbigaba uga mahadceliyey sida milgaha iyo walaaltinimada leh ee ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen weftiga uu hoggaaminayo madaxweyne Mustafe Cagjar, waxana uu carrabka ku adkeeyey qodobbada ay dhinacyadu xoogga saareen muddadii kulanku socday.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor