Akhriso:-Magacyada Senatorada Maamulka Puntland ku metalaya Aqalka Sare

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa Maanta oo Arbaco ah ka dhacday doorashada Senatorada Puntland ku metalaya Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kuraasta 11-ka xubnood Aqalka Sare ee Puntland ayaa waxaa ku tartamay 22 Musharax, waxaana kusoo baxay oo 11 Senator oo ay doorteen Xildhibaanada Puntland, iyadoona inta badan xubnaha la tartamayey Musharaxiinta ay tanaasuleen.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa mar kale ku guuleystay inuu ka mid noqdo Senatorada Aqalka Sare, wuxuuna helay 54 Cod, halka Musharaxii la tartamay ee Maxamed Cismaan Colaad uu helay 21 Cod.

Maxamed Cali Yuusuf ( Gaagaab) ayaa ku guuleystay Kursiga labaad ee Aqalka sare, kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen, waxaana u tanaasushay Kawsar Cabdullahi Xirsi oo la tartameysay.

Maxamed Cabdi Cismaan ( Majiino), ayaa ku guuleystay kursiga saddexaad ee Aqalka sare, isla markaana waxaa loogu codeeyay Cod gacan taag ah, iyadoo uu tartanka ka haray Musharaxii kale Maxamed Geeddi Maxamuud.

Kursiga 4aad ee Aqalka sare ee Puntland ayaa waxaa ku tartamay Cabdullahi Cali Xirsi ( Tima-cadde) iyo Cabdullahi Maxamed Xaashi, waxaana kusoo baxay Tima-cadde oo loogu codeeyay gacan taag, kadib markii uu tanaasulay Xaashi.

Cabdisamad Yusuf Maxamed ( Abwaan) ayaa ku guuleystay kursiga 5aad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ku ogolaadeen, waxaana la tartamay oo markii dambe haray Musharax Ismaaciil Mire Muumin.

Kursiga 6aad ee Aqalka sare ee Puntland ayaa waxaa kusoo baxay Daahir Ayaanle Siciid, isla markaana waxaa tartanka ka haray Musharaxii kale Maxamed Cumar Maxamed, halka Farxaan Cali Xuseen uu ku guuleystay kursiga 7aad ee Aqalka sare.

Seynab Ismaaciil Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga 8aad ee Aqalka sare BJFS, waxaana loogu Coddeeyay gacan taag, halka Musharaxii kale Aamiina Jaamac Ibraahim ay ka haray tartanka.

Ugu dambeyn Kuraasta 9-aad, ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiqani Geelle Maxamed, halka 10-aad uu kusoo baxay Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad, waxaana kursiga 11-aad kusoo baxay Sareedo Maxamed Xasan (Jeyte).

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor