Kulan ay Maanta Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku yeesheen xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddiga doorashada Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Baarlamaanka horgeeyey Guddiga uu Magacaabay ee doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Guddiga oo ka kooban 27 Xubnood ayay xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ansixiyeen,waxana dhamaantood Guddigaas ay yihiin xildhibaano.
Guddigaan ayaa Shaqadoodu tahay diyaarinta iyo qaabeynta doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbee doo lagu wado inay dhacdo 17 Bisha soo socota ee November 2018.
Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga doorashada Koonfur Galbeed.