Akhriso:-Madaxweyne Guudlaawe oo soo saaray Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Maanta oo Arbaco ah soo saaray Liiska Musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Maamulkaas.

Musharaxiinta uu soo saaray Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ku tartamaya 8 kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 10-aad, waxaana tirro ahaan ay Musharaxiinta gaarayaan 33-xubnood.

Kursiga ugu adag ee doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa ah kan haatan uu ku fadhiyo Senatar Muuse Suudi Yalaxoow, waxaana kula loolami doona Afar Musharax oo kala ah Cabdullaahi Sh Xasan, Axmed Daaci, Muxudiin Xasan Afrax  iyo Dr. Xasan Cadaay.

Kursiga labaad ee doorashada lagu loolami doono ayaa ah kan uu ku fadhiyo Senatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle, isla markaana waxaa kula tartamaya Raage Xasan Cismaan iyo Safiirka dowladda Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ay muuqataan inay ka duwan tahay maamulada kale ee dalka , maadaama kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka loo wada furay Musharaxiin aad u badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor