Akhriso:- Madaxweyne Farmaajo oo lagu Casuumay Shir muhiim ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagucasuumay Shir kadhacaya magalada loo dalxiis tago ee  Sochi kuna taalla dalka Raashiya isla markaana kaabiga ku haysa badda madow.

Wefdi uu hogaaminayo Maxaweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa Isbuuca soo socda in ay safar ku tagaan magaalada caanka ku ah dalxiiska ee Sochi si ay uga qeyb galaan Shirka koowaad ee ay yeelanayaan Madaxweynaha Raashiya iyo madaxda Africa.

Hogaamiyaasha lagu casuumay Shirka wax aka mid ah Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo,Madaxweynaha Kenya Uhuuru Keenyaatta,Madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Al-siisii iyo ra”iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Shirkaana ayaana socon doona muddo laba cisha ah.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu furmo 23-ka bishaan Octoobar iyada oo kulankaan uu noqonayo kii 1-aad ee dhex maraya hogaamiyaasha Africa iyo Madaxweynaha Raashiya waxaana lagu casuumay in ka badan 50 hogaamiyaal Afrikaan ah.

Shirkaan waxaa si wadajir ah u guddoominaya Madaxweynaha Raashiya Valadamir Putin iyo Madaxweynaha dalka Masar oo ah guddomiyaha Ururka Midowga Africa ee sanadkaan,Waxaana Raashiya ay qorshaynaysaa sidii ay xiriir wanagsan ula yeelan laheyd dalalka Africa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media