Akhriso:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo Cafis u fidiyey Maxaabiis

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta oo Cafis u fidiyay Maxaabiis ka mid ah kuwa ku jira Xabsiyada Hirshabelle, Munaasabadda Ciidul Fidriga aawgeed.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa Cafiska loogu fidiyay 10 Maxbuus, kuwaasi oo ku xukunaa dembiyo fudud, isla markaana waxaa lagu cafiyay Munaasabadda Ciidul Fidriga aawgeed oo Maanta Kow ah.

Wasiirka Cadaada Hirshabeelle ayaa waxaa la faray inuu fuliyo amarka Madaxweyne Waare ee lagu sii deynayo 10-ka Maxbuus oo ku xiran Xabsiyada deegaanadda Hirshabeelle.

Hoos ka Akhrso Wareegtada kasoo baxday Madaxweyne Waare.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media