Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magacaabay Guddiga ka hortega, Diyaar garoowga iyo ka Jawaabida Cudurka Coronavirus ee Galmudug.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu Magacaabay Guddiga ka hortega iyo faafida Cudurka, kuwaasi oo ka kooban 7-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Agaasimaha Madaxtooyadda Galmudug.
Sidoo kale Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona wacyi-gelinta iyo baraarujinta Bulshada deegaanada Galmudug ee ku aadan Cudurka Coronavirus, iyagoo soo saari doona tallooyinka Caafimaad ee ka hortega faafida Cudurka.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta daah-furay Xarunta ay ku shaqeyn doonaan Guddiga Cusub ee uu Magacaabay.