Akhriso:-Madasha Xisbiyada oo War Cusub kasoo saartay xaaladda Dalka

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa War Cusub kasoo saartay xaaladda dalka iyo Dilkii habeen kahor ka dhacay Isgoyska Jubba.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa marka hore si kulul loogu Cambaareeyay Dilkii habeen hore loo geystay laba Ruux oo shacab ahaa oo uu si bareer ah u toogtay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda.

Madasha ayaa ku baaqday in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado Saraakiisha iyo Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda ee caadeystay dilalka iyo xad-gudubka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa lagu cadeeyay in Bandowga lagu soo rogay Caasimadda dalka ee Muqdisho uusan soo marin habraacii saxda ahaa ee ku qeexan Dastuurka KMG ee JFS.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media