Akhriso:-Maamulka Jubbaland oo Maanta magacaabay Guddi Cusub

Madaxwayne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyay Shirka dardar galinta amniga deegaannada Jubbaland.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxwayne ku-xigeeenka 2-aad ee Jubbaland Cabdulkhaadir Xaaji Maxamuud, Taliska iyo saraakiisha Ciidamada qeybahooda kala duwan ee Maamulkaas.

Ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa howl-galada ay wadaan ciidamada Jubbaland ee ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana bogaadin looga jeediyay shirka ciidamada nabad sugid iyo Booliska Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay howl galo dardar leh ka waday gudaha Magaalada Kismaayo.

Madaxwayne ku-xigeenka Maxamuud Sayid Aadan ayaa Saraakiisha iyo si guud Ciidmada kula dardaarmay inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee ku aadan howlalada ka dhan ah Shabaabka.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Jubbaland ayaa magacaabay todobo xubnood oo ay ku jiraan xubno katirsan Golaha wasiirrada, Gudoomiyaha Gobolka Jubbada hoose  iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland, xubnahaa oo loo xilsaaray arrimo la xiriira amniga Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media