Akhriso:-Maamulka Hirshabeelle oo Go’aan hor leh soo saaray

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa soo saaray Go’aan hor leh oo looga hortegayo faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa waxaa lagu joojiyay dhamaan goobaha dadka isugu yimaadan sida Xafladaha, Aroosyada iyo shirarka, isla markaana waxaa dadka loogu baaqay inay yareeyan dhaq-dhaqaaqyada laga maarmi karo.

Sidoo kale Maamulka Gobolka ayaa faray Guddoomiyeyaasha degmooyinka Shabeellaha Dhexe inay dadka shacabka ka wacyi-geliyaan faafida Cudurka Coronavirus.

Hoos ka Akhtiso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Makaraan. 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media