Akhriso:-Khudbadii uu jeediyay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoorqoor ayaa Khudbad ka jeediyay Wejiga labaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira ee Caawa furmay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu Khubadiisa inta uga hadlay Gogosha ay Maamulka Galmudug uu Dhuusamareeb ugu fidiyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda maamul Goboleedyada oo maalmihii lasoo dhaafay halkaas kulamo uga socday.

Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo wejiga 3-aad ee Shirka Dhuusamareeb 15-ka bisha soo socda ee Agoosto uga furmi doono Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu Madaxda ugu baaqay inay sii joogaan Caasimadda Galmudug ilaa iyo inta laga gaarayo Shirka kale, isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan dadka kale ee doonaya inay kasoo qeyb galaanka Shirkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media