Akhriso:-Khasaaro xoogan oo laga shaaciyay dagaalka ka socda Itoobiya

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka dalkaasi ay dileen 550 ka tirsan dagaalyahanada (TPLF) xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ka socda gobolka Tigray.

Ma jiro warar madaxbanaan oo xaqiijinaya Sheegasha dowladda dhexe ee Itoobiya. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli la soo sheegayo boqollaal dhimasho ah oo labada dhinac ah.

Talaadadii madaxa TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay dwoladda Eritrea inay weerar ku soo qaaday gobolka Tigray. Eedeyntaasi ayaa waxaa beeniyay dowladda Eritrea iyo militariga Itobiya.

Dhanka kale booliiska fedaraalka Itoobiya ayaa waxay sheegeen in la xiray 17 sargaal oo ka tirsan militariga, islamrkana lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen shirqoolkii toddobaadkii aanu soo dhaafnay lagu weeraray saldhig militari oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya.

Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay in ay carqaladeeyeen isgaarsiintii u dhaxeysay saldhiga iyo xarunta ciidamada qaranka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media