Akhriso:-Khasaaro ka dhashay dagaalkii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka dhacay xaafaddo ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kaas oo socday muddo ku dhow laba saacadood.

Dagaalkaan oo bilowday barqadii ayaa soo gaaray duhurnimadii Maanta, iyadoo Ciidanka dagaalamay ay isku adeegsadaeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana degmooyin dhowr ah laga maqlayay dhawaaqa rasaas xoog leh.

Ciidanka dagaalamay oo u abaabulnaa hab beeleed ayaa waxaa kala hoggaaminayay Taliye Cismaan Xaadoole iyo Sarkaal kale oo la xusay inuu ka tirsan yahay Ciidanka Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minashiibiyada, wuxuuna sigaar ah uga dhacay xaafado ku dhow Kawaan Barrie ee Kaaraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaas oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana ku geeriyooday 10 ruux, halka tirro intaas ka badan ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad.

Dad la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in dagaalkan uu salka ku haayay muran dhuleed oo u dhaxeeyay Saraakiil ciidan, dhulka la isku hayay ayaa ku yaalla agagaarka Mirinaayada iyo Kawaan Barri.

Taliska Ciidanka Milateriga dowladda ayaa weli wax war ah kasoo saarin dagaalkii dhacay oo saacado qaatay, waxaana Taliska lagu eedeeyay inuu ku fashilmay xakameynta Ciidanka u abaabulan habka beeleed, iyadoo waliba lagu jiro xaalad kala guur ah oo jahawareer siyaasadeed uu dalku ka jiro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media