Akhriso:-Khasaaraha Duufaantii GATI ee ku dhufatay Puntland

Saameynta duufaantii GATI ee ku dhufatay xeebaha Soomaaliya dabayaaqadii bishii November ayaa ka jirta wali qeybo ka mid dowlad Goboleedka Puntland .

Hay’adda UNOCHA ee Qaramada ee Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in qiimeynta la sameeyay ay muujineyso in dad ka badan 120,000 oo qof ay saameysay duufaanta gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso, Xaafuun, isku shuban, Hurdiya iyo Gumbax.

42,000 ayaa guryahooda si ku meel gaar ah uga salkacay kadib markii ay biyo galeen halka kuwa kale duufaantu saqafka ka qaaday.

50% dadka sal kacay waxay u baahan yihiin gargaar deg deg ah oo isugu jira hoy,cunto iyo daryeel caafimaad.

Maamulka Puntland iyo hay’addaha samafalka ayaa wada dadaal lagu taageerayo dadka duufaanta waxyeelada ugu  badan gaarsiisay.

26 fasal oo ardayda ay wax ku baraneysay ayaa duufaanta ku burburay waxaana ay arrintan saameysay ilaa 700 oo arday .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media