Akhriso:-Kenya iyo Somaliland oo heshiis is-afgarad ah gaaray

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa mar kale Maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulanka dhexmaray Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta ayaa intii uu socday waxaa ay Somaliland iyo Kenya ku gaareen heshiis Cusub oo ka kooban dhowr ah, sida ku cad War-murtiyeed laga soo saaray kulankaas.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in Kenya ay Qunsuliyad ka furato Magaalada Hargeysa bisha Maarso ee sanadkan Cusub ee 2021, isal markaana kor  loo qaado xafiiska Somaliland ee Magaalada Nairobi.

Sidoo kale qodobada heshiiska lagu gaaray ayaa waxaa kamid ah in diyaaradda Kenya Airways ay duulimaad toos ah ka bilowdo Bisha March Somaliland, ayna dadka Somaliland garoomada diyaaradaha ee Kenya ka heli doonaan dal ku gal ama VISA.

Saraakiil sar sare oo kala ka tirsan Somaliland iyo Kenyan ayaa ka shaqeyn doonaa ballaarinta wada shaqeynta labada dhinac oo ay ku jiraan hirgelinta barnaamijyo wax is-dhaafsi sida Ardeyda, Saraakiisha beeraha, dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha kale.

Si kastaba heshiiska ay gaareen dowladda Kenya iyo Somaliland ayaa waxaa uu kusoo beegmay, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiriirkii diblomaasi u jartay dowladda Kenya, kuna eedeysay fara-gelin siyaasadeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media