Akhriso:-Jubbaland oo Digniin adeg u dirtay Ganacsatada

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Ganacsatada ku sugan doogaanadooda uga digtay in aysan kordhinin qiimaha badeecadaha ay iibiyaan iyaga oo ka faaiidaysanaya xaaladda uu keenay Cudurka Coronavirus ee aduunka ku faafay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan ayaa waxaa lagu sheegay in Ganacsatada aysan sameeyn wax qiimo kordhin ah nooc kasta oo kamid ah Maciishadaha ay iibiyaan.

Sidoo kale Qoraalka Wasiir Cabdinuur ayaa waxaa shacabka looga codsaday in cid walba cidii la kulanta qiimo kordhain inay si deg deg ah kusoo wargeliyaan laamaha amniga maamulka.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa laamaha amniga fartay inay si taxadar ula socdaan Arrimaha badeecadaha ay iibiyaan Ganacsatada, waxaana dhammaan Ganacsatada lagu wargeliyay in qofkii lagu helo Arrinta laga digay sharciga la horgeyn doono.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiir Cabdinuur Cali.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media