Akhriso:-Jadwalka Doorashada Golaha Shacabka oo Caawa lasoo saaray

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa wadajir usoo saaray Jadwalka Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka iyo qaybaha ka haray Aqalka sare ee dalka.

Guddiga doorashooyinka oo Qoraal soo saaray  ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka lagu dhameystirayo 5-ta bisha September 2021 ilaa 18-ka bishaan.

Guddiga ayaa Jadwalka ay soo saareen ku sheegay in Diyaarinta iyo Diiwaan-gelinta Ergooyinka iyo Musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay bilaabaneyso 25-ka Sep,

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in doorashada Golaha Shacabka ay bilaabato 1-da Octoober, lana soo gaba-gabeeyo 20-ka bisha November 2021, isla markaana 25-ka bishaas Xildhibaanada lasiiyo Shahaadada xubinnimo ee Golaha Shacabka.

Jadwadka ay soo saareen Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo weli ay taagan tahay diidmada habraacii doorashada Golaha Shacabka oo ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo siweyn looga soo horjeedo.

Hoos ka Akhriso Jadwalka doorashada ee Caawa lasoo saaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor