Akhriso:-Hirshabeelle oo magacaawday Guddiga Doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan ayaa magacaabay xubnaha Guddiga ee qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

15-xubnood oo dhammaantood ka tirsan Xildhibaanada Hirshabeelle ayuu Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed u magacaabay Guddiga doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Maamulkaas.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee ka dhaceysa Magaalada Jowhar, waxaana Guddigan ay la kulmi doonaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha, Xildhibaannada Baarlamaanka, Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa gabigood ku sugan Magaalada Muqdisho, marka laga reebo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Xasan uu ku sugan yahay Jowhar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor