Akhriso: Heshiis Dowladda Somalia iyo Sacuudiga qorsheynayaan inay kala saxiixdaan

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda xilgaarsiinta Xildhibaan. Mohamed Aadan  Mo’alim (Somali) ayaa la kulmay dhigiisa Boqortooyada Sucuudi Carabiya Eng. C/Raxmaan Cabdul Muxsin Alfadli.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiirka & Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ee King Khalid ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga Ambasador Salim Macow iyo Madaxa Xirriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Boqortooyada Sacuudiga Ibrahim Fahimi.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS Xildh. Mohamed Adam Mo’alim (Somali) ayaa la kulmay dhigiisa Boqortooyada Sucuudiga Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Boqortooyada Sacuudiga Eng. C/Raxmaan Cabdul Muxsin Alfadli.

Labada Wasiir waxey kawada hadleen qodobo dhowr ah, waxaana ka mid ahaa:

1-Joogteynta dhoofka Xoolaha Soomaaliya ee loo suuq geeyo dalka Sacuudiga kaasoo 3dii bilood ee u dambeysay la dhoofiyey xoolo ka badan 800 kun oo neef oo isugu jira Ari iyo geel.

2- In ay Labada Wasaaradood iska kaashadaan ka hortagga iyo ka jawaabidda wax yaabaha carqaladeynaya caafimaadka xoolaha kaa soo labada wasaaradood ku heshiiyeen bishii Maarso 2022.

3- Iskaashiga ka warqabka shirkadaha xoolaha usoo dhoofiya dalka Sacuudiga.

4- In la is dhaafsado Khubarada, Tababarada  dhinacyada horumarinta xoolaha iyo Wax soosaarkooda, Sheybaarada, ka hortga iyo ka jawaabista cudurada iyo Horumarinta Adeegyada Maxjarrada.

Dhammaan qadobadii laga wada hadlay ayaa la isku afgartay waxaana ay isku raaceen in la diyaariyo heshiis Is-afgarad ee Iskaashiga labada wasaaradood.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor