Akhriso:-Halkee ayey mareysaa Tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee Somalia?

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 117 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Warbixinta maalinla ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta Feyruska Karoona, ayaa lagu sheegay in xaaladaha cusub laga diiwaan galiyey gobolka Bamaadir ( 20), Somaliland (59), Jubbaland (21), Puntland (14),  iyo Hirshabeelle (3 qof, 104 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay in laga helay feyras Karoona waa rag, halka 13-na ay yihiin haween.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa shaacisay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 ay Somaliland ugu geerioodeen 6 qof, Puntland, 1 qof, Koonfur Galbeed 1 qof iyo Magaalada Muqdisho oo 2 qof, waxaana ka bogsatay 74.

Guud ahaan Tirada xaaladaha COVID-19, ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 10,085, waxaa bogsootay xanuunka 4,498 Ruux. guud ahaan 429 ruux ayaana u geeriyootay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor