Akhriso:-Habraaca Doorashada Golaha Shacabka oo lasoo saaray

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Maanta oo talaado ah soo saaray Habraaca doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka iyo shuruudaha is diiwaan gelinta Musharaxiinta Xildhibaanada ee tartamaya.

Habraaca doorashada Golaha Shacabka ayaa ka kooban 9 Bog, waxaana habraaca ku jira in Ergada Doorashada ay soo xulayaan Guddiga xulista Ergada oo ka kooban oday dhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada Rayidka.

Sidoo kale Habraaca ayaa waxaa kamid ah in xulida Ergada Somaliland ay noqoneyso mid Wadaag ah, iyada oo la xusay in xubin kasta oo kamid ah Guddiga Xulitaanka Ergada aysan ka tirsanaan kari Guddi xulis Ergo kuraas kale.

Lacagta diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya Golaha Shacabka ayaa waxaa uu guddiga shaaciyey in raga laga qaadi doono lacag dhan 10 kun oo doollar, halka dumarka Musharaxiinta ah laga qaadi doono 5 kun oo dollar.

Lama oga in habraacan uu yahay mid kama dambeys, iyadoo la filayo in 19-ka bishan inay shir isugu yimaadaan Golaha Wadatashiga Qaran oo inta badan habraacyda iyo heshiisyada doorashada ay soo saari jireen, kuna shaqeynayeen Guddiga doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Hoos ka Akhriso Habraaca doorashada Golaha Shacabka 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor