Akhriso:-Guddiga FEIT oo magacaabay Guddiga Doorashada xilka Guddoomiyahooda

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal ahna Sii-hayaha xilka Guddoomiyaha  Guddigaas ayaa magacaabay xubnaha Guddiga ee qabanaya doorashada Guddoomiyaha doorashooyinka heer Federaal.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Mowliid Mataan Salaad ayaa waxaa uu ku magacaabay Guddiga doorashada xilka Guddoomiyaha doorashooyinka heer Federaal, kuwaasi oo ka kooban 5-xubnood, kana shaqeyn doona doorashada dhaceysa.

Guddoomiye Mowliid Mataan Salaad ayaa faray xubnaha uu magacaabay inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday, isla markaana u diyaar garoowan qabashada doorashada xilka Guddoomiyaha Guddigooda.

Xunaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa dhawaan xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamad Xasan Cirro, iyagoona ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo inuu ku milmay Arrimaha siyaasadda dalka.

Maxamed Xasan Cirro ayaa kasoo horjeeystay xilka qaadista lagu sameeyay, wuxuuna sheegay in aan xilka Guddoomiyenimo ee Guddiga laga qaadin ee uu haayo,…

Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Guddoomiye Mowliid Mataan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor