Akhriso:-Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay qabashada Doorashada 21 kursi

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow oo Caawa ah shaaciyay qabashada doorashada kuraas farabadan oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa lagu shaaciyay qabashada 21 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Galmudug, kuwaasi oo doorashadoodu dhici doonto maalmaha soo socda.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen inay ku guda jiraan soo bandhigida Liiska Magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada doorashada kuraasta Caawa lasoo saaray.

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maalmaha soo socda qaban doona doorashada 21-ka kursi ee lasii daayey, kuwaasi oo ay doorashadoodu ka dhici doonto Magaalada Dhuusamareeb.

Waa kuraastii ugu badneyd ee hal mar la shaaciyo, iyadoo maanta ay bilaabaneysay Jadwalka doorashada ee loo muddeeyay in doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad lagu soo gaba-gabeeyo 15 Janaayo illaa 25 Febraayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor