Akhriso:-Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Maamulka Hawada dalka wareejisay

Saacadihii lasoo dhaafay ee Maanta ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyey warar sheegayay in Maamulka hawada dalka lagu wareejiyay Shirkad gaar loo leeyahay, taas oo fadhigeedu yahay Mareykanka, hayeeshee dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Warkaas.

Wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa beeniyay warka lagu faafiyay baraha bulshada ee lagu sheegaya in Maamulka hawada dalka lagu wareejiyay Shirkad si gaar ah loo leeyahay.

Wasiir Duraan Axmed Faarax oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay Warka la faafiyey, wuxuuna sheegay in dowladda Federaalka ay gacanta ku heysto Maamulka hawada, isla markaana aysan u qorsheysneynin inay wareejiso…

”XFS oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay masuul uga tahay maamulka hawadda uma qorshaysna in Maamulka hawadda ay ku wareejiso shirkad gaar loo leeyahay, waana been abuur wararkaas lagu faafiyay baraha bulshada” ayuu yiri Wasiirka Wasiika Gaadiidka Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta.

Ugu dambeyn Wasiir Duraan Axmed Faarax ayaa Qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in dowladda Federaalka ay gacanta ku heyso Maamulka hawada dalka, isagoona xusay in arrintaan ay qeyb ka tahay  horumaradda ay ku talaabasatay dawladda soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor