Akhriso:-Dowladda oo Isbedel ku sameeysay Taliska Booliska Galmudug

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbedel ku sameeyay Taliska guud ee Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Galmudug iyo Taliska Booliska degmooyinka qaar ee maamulkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa marka hore Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug  loogu magacaabay inuu noqdo G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin, halka Taliyaha Gobolka Galgaduud loo magacaabay Sharmaake Cabdulle Warsame.

Taliye Xijaar ayaa Maxamed Mire Maxamed u magacaabay Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii hore, iyadoo Taliyaha Booliska Gaalkacyo laga dhigay Cali Xirsi Sahal.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa  Faarax Xuseen Xasan u magacaabay Taliyaha Booliska Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, waxaana Taliye ku-xigeen looga dhigay Bilaal Xasan Cali.

Ugu dambeyn Taliye Xijaar ayaa waxaa uu Saraakiisha la magacaabay faray inay si deg deg ah xilalkooda ula wareegaan, isla markaana ay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media