Akhriso:-Dowladda oo Go’aano Cusub kasoo saartay Masaajidda dalka

Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aano Cusub oo ku socda Masaajida dalka, kuwaasi oo la xiira ka hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta ayaa waxaa lagu sheegay in Aadaanka Jimcadda iyo Salaada Jamaacadda Masaajida loogu tukado si kooban, iyadoo la qaadanayo tallooyinka Caafimaad.

Go’aanada la soo saaray ayaa waxaa kamid ah in la xiro Suuliyada Masaajidda iyo weysaqaadka, isla markaana dadka loo sheego inay ku weysaqaatan guriyahooda, waxaa ku jira Go’aanada in Qof kasta uu ku tukanayo Masaajidka uu Afka iyo Sanka kusoo  xirto Mask iyo baati, si looga fogaado faafida Cudurka.

Waxaa kaloo Go’aanada ay soo saartay Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jira in dadka qaba Cudurada lala noolaado inay ku tukadaan guriyahooda oo aysan imaan Masaajidda.

Hoos ka Akhriso Go’aanada ay soo saartay Wasaaradda Awqaafta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media