Akhriso:-Bannaanbixii berri loo madalsanaa oo dib u dhac uu ku yimid

Iyadoo loo ballansanaa in khamiista berri ah Muqdisho lagu qabto bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya berrI aan la qaban doonin bannaanbixii loo madalsanaa.

Bannaanbaxa oo maalmahaan ay socotay qaban qaabadiisa iyo u diyaargowgiisa, ayaa si weyn looga dareemay Caasimadda, waxaana hormuud u ah Odayaal iyo sidoo kale siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Qaar ka mid ah oday dhaqameedyada oo uu hoggaaminayay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Guddigii qaban qaabada bannaan baxa berri dhici lahaa ayaa sida la sheegay isku afgartay in dib loo dhigo bannaanbixii loo balansanaa.

Waxaana wararku intaas ku darayaan in Ugaasku uu ku guuleystay dadaalo uu saacadihii la soo dhaafay uu waday, isagoo gogol u dhigay dhinacyadii ku lugta lahaa qaban qaabada bannaan baxa, si aanay magaalada qalalaase ka dhasha bannaan baxa uga dhicin.

Horay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amar culus kaga soo saaray bannaanbaxa, isagoo digiin u diray  dhinacyada ku lugta leh, bannaanbaxa looga soo horjeedo farmaajo, ee la doonayo in lagu qabto Magaalada Muqdisho oo haatan xaalado amni darro la dhibaatoonaysa.

Balse Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta goor sii horreysay soo saaray warqad uu ku fasaxayo bannaanbaxa, isagoo Taliyeyaasha Ciidanka amray in ay sugaan ammaanka dadka bannaanbaxa dhigay, balse taa waxaa ka dambeeyay Qarax xooggan oo simiidaamin ah kaasi oo saameyntiisa laga dareemay Caasimadda.

Lama oga sida maalmaha soo socda uu ku dhici doono bannaanbaxa berry loo madalsanaa, waxaana isha lagu hayaa sida maamulka Gobolka Banaadir uu u ogolaan doono bannaanbaxa, maaddama uu horay u diiday, sidoo kalena waxaa socda diyaar garow xooggan oo ay wadaan dhinacyada qaban-qaabinaya bannaanbaxa ka dhanka ah Madaxweynaha mudda Xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxmed farmaajo.