Akhriso:-Amar cusub oo lagu rogay dhammaan Shaqaalaha Dowladda Somalia

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa soo saartay Amar cusub oo ku socda dhammaan shaqaalaha Hay’addaha dowladda Federaalka, kaasi oo la xiriira Cudurka halista ah ee COVID-19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdullaahi Maxamed Cali oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa dhammaan Hay’addaha dowladda lagu wargeliyey in shaqaalahooda ay qaataan Tallaalka looga hortegayo Cudurka COVID-19.

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ayaa waxaa la faray inay kala shaqeeyaan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta, sidii Tallaalka u qaadan lahaayeen shaqaalaha Hay’addaha dowladda.

Qoraal uu soo saaray Agaasime Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu caddeeyay in heerkii saddexaad ee Cudurka halista ah ee COVID-19 uu kusii faafayo gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana ay qasab ay tahay in shaqaalaha qaatan tallaalka Cudurka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa si maalinla ah u shaacisa kiisas farabadan oo Cudurka COVID-19 ah oo laga diiwaan-geliyay gudaha Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, waxaana xusid mudan in dad farabadan ay Cudurka u geeriyoodeen.

Hoos ka Akhiso Qoraalka kasoo saaray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor