Khasaaraha dhimashada ah ee ka dhashay roobab xoogan oo weli ka da’aya deegaano ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sii kordhaya, xili halkaas ay saacadihii lasoo dhaafay ku dhufatay duufaan xoogan.
Roobka oo dabeyl watay ayaa siweyn uga da’ay degmo xeebeedka Xaafuun ee Karkaar, isla markaana waxaa uu saameyn ballaaran ku reebay dadka deegaanka ee kunool halkaas, sida ay sheegayaan wararka la helayo.
Ugu yaraan 8 qof oo Yemeniyiin ah ayaa ku geeryooday duufaanta, isla markaana waxaa dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen dad dhowr ah una badan xoolo dhaqalo, xili ay ku sugnaayeen guryahooda oo ka sameeysan jiingado.
Sidoo kale duufaanta Roobka ayaa waxaa ay dumisay guryo dhowr ah oo ay ka qaaday saqafyada kore, kuwaasi oo qaarkood ka dhisnaa dhagax shub ah, waxaana Jawiga Xaafuun uu yahay weli mid roobab ay ka da’ayaan.
Waxaa Go’an Isgaarsiintii ka jirtay Xaafuun iyo deegaano kale oo hoostega degmadaas, kadib markii dabeysha ay siibtay antooyinkii Isgaarsiinta, waxaana adeg in xog dheeraad ah laga helo halkaas, balse dad ku dhow halkaas ayaa warbaahinta xoga u soo tabenaya.
Dhinaca kale waxaa laga baracakay deegaanka lagu magacaabo Hurdiya oo u dhow Xaafuun, kadib markii gudaha deegaanka ay soo gaareen biyaha badda oo kacday, kadib markii ay ku dhufatay duufaan xoogan oo horey digniin looga soo saaray.
Maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey Digniino kala duwan uga soo saaray roobabka dabeysha watay ee saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaano ka tirsan Puntland gaar ahaan kuwa teedsan xeebta.