Ahlusunna oo eedeymo culus u jeedisay Dowladda Soomaaliya

Hogaanka sare ee Ahlusunna Aljamaaca ayaa war kasoo saray xaalaadda Galmudug iyo warar kale o sheegayay in heshiis uu dhexmaray dowladda fedraalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlusunna.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku saxiixnaa warqad lasoo higay Facebook-giisa ayaa ayaa waxa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in heshiis ay wada gaareen dowladda fedraalka Soomaaliya iyo Culumaa’uudiinka Ahlusunna Wal-jamaaca ee iskaga baxay deegaanada maamulka Galmudug kadib dagaalkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda mamaulka Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhinaca kalana waxa uu ku eedeeyay dowladda in ay dhibaato baahsan ay ka wado deegaanada maamulka Galmudug isaga oo timamay in ay dib uga abuureyso Alshabaakii ay Ahlusunna ka saartay 12-sano ka hor sida uu hadalka u dhigay dib ay isku abaabulayaan arrintaas oo uu sheegay in aan la aqbali doonin.

Dhinaca kalana waxa uu fariin u diray Beesha caalamka waxaana uu baaqiisa ku dhiigay in cid kasta oo dowladda fedraalka ka caawisay howlaha ay ka waddo Galmudug iyo ciidamada la geeyay ay iyadu dusha saran doonto masuuliyadeeda dhibaatada deegaanada Galmudug.

Halkan Ka Akhriso Qoraalka 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media