Ahlusunna oo Cabasho ka muujisay Maamulka Jubbaland

Mas’uuliyiinta Culimada Ahlusunna Waljamaaca ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka cabanaya xadgudub ay sheegeen in Wasaaradda Cadaaladda Jubaland ay ku hayso masaajidyada iyo xarumaha diinta lagu barto ee ay gacanta ku hayaan.

Cabashadan ayaa ku aadan dhowr Masaajid oo ay maamuli jireen Ahlsunna oo sida ay kooxdan ay sheegtay ay Wasaaradda u ballan qaaday dayactir, hayeeshee kadib ay ku wareejisay dhinacyo kale.

Qaar kamid ah Culimadda ayaa waxaa ay sheegeen in Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland ay xirtay qaar kamid ah Masaajida iyo goobo oo kale oo Diinta laga baranaayay, kuwaasi oo ku yaalla Kismaayo.

Agaasimaha Wasaarada Cadaaladda dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdullaahi Maxamud Ibraahim oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa beeniyey eedeynta ka timid dhinaca Ahlusunna ee ku aadan Masaajida.

Ugu dambeyn Agaasime Cabdullaahi Maxamed ayaa been abuur ku tilmaamay warar sheegayay in xubno ka tirsan Culimadda Ahlusunna ee Kismaayo loo adeegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa amniga, sababo la xiriira arrinta Masaajida.

Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Kismaayo laga dareemayay Khilaaf xooggan oo u dhexeeya Culimadda Ahlusunna Waljamaaca iyo Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media