Ahlusunna oo Amar culus kasoo saartay Garoonka diyaaradaha Magaalada Guriceel

Ahlusunna Waljameeca ayaa Caawa amar cusub kasoo saaray degmada Guriceel ee Gobolka Galagduud, kadib markii duhurnimadii Maanta ay la wareegeen gacan ku heynta Guriceel oo halkaas ay isaga baxeen Ciidankii Maamulka Galmudug ee ku sugnaa.

Taliyaha hoggaaminayay Ciidamada Ahlusunna Maxamed Bilaal ayaa sheegay inay si nabad ah kula wareegeen Guriceel, iyada oo uusan dhicin wax dagaal ah, isla markaana gebi ahaan ay gacanta ku hayaan Magaalada, amnigana uu yahay mid wanaagsan.

Taliye Maxamed ayaa u mahadceliyay qeybaha kala duwan Bulshada ee Maanta Ahlusunna Waljameeca kusoo dhaweeyay Guriceel, wuxuuna shacabka Magaalada ugu baaqay inay is dejiyaan oo aysan wax khal-khal ah is gelin, ayna yihiin Ciidamadii u shaqeyn jiray.

Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu si Cad u sheegay in Garoonka diyaaradaha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud aysan kasoo degi karin diyaarad sida hub iyo Ciidan, isla markaana la mamnuucday, waa sida uu yiri Sarkaalka oo la hadlay warbaahinta

Sidoo kale waxaa uu Bilaal ka hadlay dagaalkii shalay Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna ku dhexmaray degaanka Bohol ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Taliye Bilaal ayaa tilmaamay in weerar lagu soo qaaday degaanka Bohol oo ay joogeen  hoggaanka Ahlusunna ee Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, isal markaana ay iska difaaceen weerarkii ugu yimid Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor