Ahlu-sunna oo la wareegay degaanno hor leh oo ka tirsan Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in Ciidanka Ahlu Sunno Wal jameeca ayaa la wareegay degaanno hor oo ka tirsan Gobolkaasi.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Ciidanka Ahlu Sunna ay gacanta ku dhigeen degaanada Labidulle iyo Sinadhaqo, oo ka tirsan Gobolkaasi Galgaduud.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in wax dagaal ah uusan ka dhicin degaanadaasi, iyadoo dadka degaanku ay sheegeen in si nabdoon ay gacanta ugu dhigeen labada degaan ee manta galay gacanta Ahlu Sunna.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday Labidulle iyo Sinadhaqo ayaa muujinaya Ciidanka oo gudaha degaanadaasi ku sugan, waxaana la sheegay in haatan ay degaanno hor leh kusii wajahan yihiin.

Wali Maamulka Galmudug wax war ah kama soo saarin degaanadaasi cusub ee lagu soo warramayo in ay la wareegeen xoogagga Ahlu Sunna, balse arrintaasi ayaa imaanaysa iyadoo Degaanno iyo Magaalooyin Muhiim ah ay ka bexeen gacanta maamul Goboleedka Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor