Ahlu Sunna oo isaga baxay Matabaan degaan Cusubna Kastam ka sameystay

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in xoogagga Ahlu-Sunna ay isaga baxeen Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay markii hore ku lahaayen fariismo.

Ciidanka ayaa lasoo sheegayaa in ay u wareegeen Deegaanka Labi-hiiraan oo ah Xadka kala qaybiya Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana warar hoose oo soo baxaya ay tilmaamayaan in Ciidamadaasi hubeysani ay Labi-hiiraan ka samaysan doonaan Kastam weyn oo ay ku qaadi doonaan Lacagaha canshuuraha ah.

Wararka aan helnay ayaa intaasi ku daraya in Maamulka Degmada ay haatan la wareegeen Matabaan, kadib markii ay isaga baxeen Xoogagga ASWJ, kuwaasi oo tan iyo markii ay la wareegeen aybo badan oo ka mid ah Gobolkaasi Galgaduud maamulayay degmada iyo degaanda Hoos yimaada.

Dadka degaanka ee Labi-hiiraan oo ah Xadka kala qaybiya Hiiraan iyo Galgaduud ayaa soo sheegaya in haatan halkaasi ay ku sugan yihiin Ciidamo aad u hubeysan oo ay leedahay Ahlu Sunna.

Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa galay xalad kacanaan ah, tan iyo markii ay ASWJ ay dib isku soo hubeeyeen, waxaana gacanta ku gashay Magaalada Guriceel oo ah xarunta Ganacsiga Gobolkaasi, waana meesha ay ugu xooggan yihiin Xoogagga hubeysani.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor