Agab caafimaad oo lagu wareejiyay Maamulka Cisbitaalka Guriceel

Gudigga gurmadka Guriceel ee uu hore u magacaabay madaxwaynaha Galmudug ayaa shixnad Dawo ah oo ka kooban 3-diyaaradood ku wareejiyay Maamulka isbitaalka Istarliin ee Guriceel.

Agabkan oo loogu talagaley in gurmadka degdeg ah oo Caafimaad ay u noqoto kumanaanka qoys ee ku barakacey deegaanada ku xeeran Guriceel ee mudadii ay bannaanka joogeen la soo Wariyay in ay wajahayaan xanuuno kala duwan kuwaas oo Wasaaradda Caafimaadku sheegtay in daawadan wax looga qaban doono ka jawaab celinta culeyskaasi baaxada leh iyo dardar galin shaqada isbitaalkan.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiinooyinka Galmudug Makaawe iyo Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Ubax Xuseen Dhiblaawe oo Gudigga ka wada tirsan ayaa ugu horeyn ka hadlay munaasabadan wareejinta daawadan.

Dr.Cali Cabdi Muuse,iskuduwaha Caafimaadka Degmada Guriceel ayaa ka mahad celiyay taakuladan Guddiggu la soo gaaray isbitaalka Istarliin oo ka mid ah xarumaha Caafimaad ee waxyeeladu kasoo gaaray hubkii la isku adeegsadey maalmihii uu socday dagaalkii Guriceel ka dhacay todobaadkii hore.

Ugu dambeyn, Wasiirka Caafimaadka Galmudug, Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac ayaa adkeeyay in gurmadkan Caafimaad ay Wasaaraddu sii wadi doonto, wuxuuna wasiirku ku booriyay shaqaalaha isbitaalka in ay heegan u galaan la tacaalida bukaanada xanuunadu kusoo riteen goobaha loo barakacey ee iminka bulshadu kasoo laabaneyso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor