Agaasimihii Xafiiska Madaxweynaha Nigeria oo u dhintay Coronavirus  

Madaxtooyadda dalka Nigeria ayaa shaacisay in Agaasimihii Shaqaalaha ee Madaxweynaha dalkaas Maxamadu Buhaari uu saacadihii lasoo dhaafay u geeriyooday Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka oo dhan.

Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa qortay in Mallam Abba Kayaari oo ahaa Agaasimihii Shaqaalaha ee Xafiiska Madaxweyne Maxamadu Buhaari uu Cudurka COVID-19 uu ku dhacay bishii Maarso 24-dii, iyadoo ugu dambeyn uu shalay ku geeriyooday.

Sidoo kale Mas’uulka ayaa waxaa ay da’diisu aheyd 70-sanno jir ah, isla markaana waxaa la sheegay inuu horey u qabay Cuduro kale, isagoo kamid ahaa dadka ugu awooda badan dalka Nigeria.

War qoraal ah oo boggiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Afhayeenka Madaxtooyada Nigeria Garba Shehu ayaa waxaa uu kusoo sheegay in Agaasimihii shaqaalaha ee Xafiiska Madaxweyne Buhaari laga helay COVID 19, uuna dhintay xili la daaweynayay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media