Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha oo ka hadlay Xilka qaadistii lagu sameeyay

Iyadoo manta Galaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay shir ay yeesheen xilkii ay kaga qaadeen Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya Maxamed Adan Koofi aya waxaa arrintaasi war kasoo saaray Agaasimihii xilka laga qaaday.

Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya Maxamed Adan Koofi oo qoraal soo saaray ayaa waaxaa uu soodhaweeyay xilka qaadistiisa, waxaan uu intaa ku daray in xilku meerto yahay,waxaana uu bogaadiyay mas’uul ka Cusub ee xilka loo magacaabay.

“Xilalka iyo Shaqada Dowladda oo meerto ah awgeed, waxaan soo dhoweynayaa xil ka qaadistayda iyo magacaabista Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Cabdulkadir Cilmi, waxaana ugu duceynayaa in uu Allah ku garab galo masuuliyadda culus ee loo igmadey. Mahad iyo bogaadinna waxaan u soo jeedinayaa madaxda Qaranka oo hay’adda u soo xuley nin dhalin yaro ah oo aan aaminsanahey in uu halkii ka sii wadi doono howlaha hay’adda” ayuu yiri Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya Maxamed Adan Koofi.

Xilkii Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya  ayaa loo magacaabay Abdulkadir Elmi Ali, kaasi oo noqonaya Agaasimaha Cusub.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor