Agaasime kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo la xiray

Warar lagu kalsoonaan karo oo Goordhow soo gaaray Warqabadka Idaacadda Dalsan ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay xireen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumdda Soomaaliya Cabdullaahi Xaashi.

Agaasime Cabdullaahi Xaashi ayaa waxaa laga dhex waday Xarunta Wasaaradda Caafimaadka xili uu halkaas ku sugnaa, waxaana sidaas sheegay Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta loo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, waxaana la sheegayaa inuu xarigiisa la xiriiro Musuq-maasuqa lacag loogu talagalay ka hortega Cudurka Coronavirus oo hay’addo Caalami ah ay dowladda Soomaaliya ugu deeqeen.

4-tii Bishaan ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay xabsiga dhigeen Agaasimiha Maamulka iyo Maaliyada Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Maxamuud Maxamed Buule, kaasi oo loo heysto Musuq-maasuq Lacagta COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur oo daqiiaqdo kahor la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ilaa iyo hada aysan ogeyn sababta rasmiga ah ee loo xiray Agaasime Buule, uuna socdo baaritaano kala duwan oo ku aadan waxa keenay in xabsiga la dhigo Agaasimaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media