Agaasimayaasha Wasaaradaha Xukuumadda oo shir uga furmay Baydhabo

Agaasimayaasha Wasaaradaha Guud ee Wasaaradaha  Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo Agaasimayaasha Xaruumaha Madaxtooyada Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa Baydhabo Kaga qeybgalay Furitaanka Shirka Sanadlaha ah ee Agaasimayaasha oo Sanadkan looga hadlayo Xoojinta Wada Shaqeynta Hay’adaha Dowliga ah iyo Xafiisyada Kashqeeya siyaasada Guud ee dalka .

Ugu horeeyn  Agaasimaha Madaxtooyada KGS,  Cabdullaahi Cali Watiin, oo Shirka Furey ayaa Agaasimayaasha Kusoo dhaweeyey Baydhabo una Rajeeyay in Maalmaha Shirka uu socdo ay soo saaraan qodobo Mira dhal ah.

Dr Maxamed Ibraahim, Xog hayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, oo kahadley furitaanka shirka ayaa faafaahiyay wax yaabaha sida gaar ka ah sanadkan diirada loogu saarayo shirkan.

Magaalada Baydhabo ayaa Sanadkan Marti galisay Shirarka Sanadlaha ah ee Xoojinta Xiriirka Wadashaqeyneed ee Hay’adaha Dowliga ah iyo Agaasimayaasha  Wasaaradaha  Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor