Agaasimaha Maaliyada Wasaaradda Caafimaadka oo la xiray iyo xubno kale oo Su’aalo la weydiinayo

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dambi baarista Musuq-maasuqa ay xireen Agaasimaha Maaliyada Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Buule.

Sababta loo xiray Agaasimaha Maaliyada Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay inay tahay Arrimo la xiriira in la musuq-maasuqay lacag loogu talagalay ka hortega Cudurka Coronavirus oo ay soo direen hay’addo Caalami ah.

Hanti-dhowraha Qaranka ayaa shalay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Su’aalo la xiriira lacagta la Musuq-maasuqay ku dhex weydiiyay Agaasime Maxamuud Buule, hayeeshee xalay ayaa xabsiga la dhigay.

Dhianac kale waxaa Su’aalo kale la weydiinayaan Agaasimeyaal ah oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka dowladda, waxaana socda baaritaano kala duwan oo ku aadan qaabkii loo musuq-maasuqay lacag loogu talagalay ka hortega COVID-19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media