Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya  Cabdulqaadir Clmi Cali (Cabdul) ayaa Maanta xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Koofi.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya…

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa u rajeeyay Agaasimaha cusub Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdulqaadir Clmi Cali (Cabdul) in uu Alle la garab galo mas’uuliyadda loo igmaday, isagoo bedelaya Koofi.

Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa u mahadceliyay Agaasimihii hore ee hay’adda Maxamed Aadan Koofi , isla markaana ku boggaadiyey shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay hay’adda muddadii 6 sanno aheyd ee xilkaas uu haayay.

Gollaha Wasiiradda Xukuumadda xilgaariinta ayaa dhawaan ansixiyay ansixiyay xilka-qaadista Maxamed Aadan Koofi, oo uu soo jeediyay Wasiirka amniga C/llaahi Maxamed Nuur, waxaana tallaabadan ay kusoo beegmaysaa xili dalka uu ku jiro kala-guur.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor